Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qayb-galay munaasabad loogu hadlayay doorka haweenka iyo dhallinyarada ee ka hortagga dagaal beeleedyada, xoojinta difaaca Qarannimada Soomaaliyeed iyo garab istaaga ciidamada qalabka sida.
Duqa Muqdisho oo munaasabadda hadal ka jeediyay ayaa sheegay in ay muqaddas tahay difaacida Qarannimada Soomaaliya, waxa uuna xusay in maamulka gobolka Banaadir iyo shacabka caasimadda ay door weyn ka qaataan garab-istaagga ciidamada qalabka sida ee naftooda u huray difaaca dalka, isla markaana ay sii laba jibaari doonaan.
Dhinaca kale, Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaq in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah kooxaha khawaarijta ah iyo damaca guracan ee Itoobiya, waxa uuna baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee dagaallada dhex-maraya in si shuruud la’aan ah ay u joojiyaan dagaal-beeleedyada, iskana ilaaliyaan in cadowga uu ka dhex faa’ideysto bulshada walaalaha ah.
Ugu dambeyn. Munaasabaddan oo ay soo qaban-qaabiyeen hormuudka ololaha hooyo u hiilli Qaranka, ayaa waxaa goob-joog ka ahaa wasiirka wasaarada arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta XFS, wasiirka wasaaradda qoyska iyo xuquuqul insaanka XFS, guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, xildhibaanno, guddoomiyeyaal degmo, ururrada haweenka, dhallinyarada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

































