Dowladda Soomaaliya oo u yeeratay safiirkii ka joogay Itoobiya si adagna uga hadashay heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland

0
129

Golaha wasiirrada XF Soomaaliya ayaa maanta war-murtiyeed ka soo saaray heshiiskii ay Somaliland la gashay Itoobiya, waxayna ku tilmaameen mid faragelin qaaean ku ah arrimaha gudaha dalka Soomaaliya.

Dowladda oo ka jawaabaysa go’aankaas ayaa la tashi ugu yeertay safiirka dalka Soomaalya u fadhiya Itoobiya. Sidoo kale dowladda ayaa sheegtay in tallaabada ay qaaday Itoobiya ay tahay mid xadgudub ku ah madaxbannaanida dalka, Qarannimada iyo dastuurka Soomaaliya.

Dowladda Somalia waxa ay heshiiskan ku tilmaantay waxba kama jiraan, iyadoo ugu digtay dowladda Itoobiya isku-day kasta oo xadgudub ku ah midnimada iyo jiritaanka Soomaaliya.

Dhanka kale, Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in ay xaq u leedahay in ay ka jawaabto tallaabada Itoobiya, isla mar ahaantaana uu waajib ka saaran yahay difaaca midnimada dhuleed ee dalka.

Ugu dambeyn. Dowladda Somalia ayaa ka dalbatay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Ururka Midowga Africa, Ururka Iskaashiga Islaamka, ururka Jaamacadda Carabta, iyo Ururka IGAD inay is-garab-taagaan xaqa Soomaaliya ee ilaalinta midnimadeeda dhuleed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here