SAWIRRO: Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ka furmay Muqdisho loogana Arrinsanayo Amniga, Dimuqraadiyada iyo Dagaalka ka dhanka ah Argagaxisada

0
218

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyey Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ka furmay Madaxtooyada Qaranka ee Caasimadda Muqdisho.

Shirkan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Mudane Salah Jama, Madaxweyneyaasha Dowlad-Goboleedyada, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here