Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qayb-galay munaasabad lagu soo bandhigayay wejiga 1-aad ee daraasadda naqshadeynta biyo-mareenada magaalada Muqdisho.
Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay daraasad guud oo laga soo sameeyay biyo-mareenada magaalada (Mogadishu Trank Drainage Master Plan) daraasaddaas oo lagu soo bandhigay qorshe faahfaahsan oo sawir buuxa ka bixinaaya biyo-qabadyada magaalada Muqdisho iyo wax-qabadka hawleedka ka dhalanaya qaabka loo kala horumarinayo sameynta naqshadaha biyo-mareenada magaalada iyo dhaqan gelinteeda.
Guddoomiye Yuusuf Madaale oo hadlay ayaa aad ugu nuux-nuuxsaday ahmiyadda ay magaalada Muqdisho u leedahay in xal waara loo helo maareynta biyo-mareennada, taasoo hor-tebin u leh madaxda Qaranka.
Munaasabadda waxaa goob-joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka hawlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir, madaxda hay’adda UNOPS, guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, agaasimeyaal, maamulaha guud ee mashruuca Nagaad, madaxda rugta ganacsiga, madaxda bangiyada, injineero, daneeyeyaal iyo marti sharaf kale.














































