Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Guddoomiye Madaale oo Dhagax Dhigay Dib-u-dhiska Tuulada Cayaaraha ee Stadium Muqdisho: SAWIRRO

0
188

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo uu wehliyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dhagax-dhigay mashruuca dib-u-dhiska tuulada cayaaraha ee Stadium Muqdisho, waxa uuna Ra’iisul Wasaare Xamse sheegay in dhismaha mashruucan uu qayb ka yahay dadaallada xukuumadda DanQaran ee horumarinta isboortiga iyo dhallinyarada Soomaaliyeed.

Qeybaha dib-u-dhiska lagu sameynayo ee maanta la dhagax-dhigay oo ka kooban, dayactirka garoonka kubadda cagta iyo dib-u-dhiska qeybaha; koleyga, dabaasha, orodka iyo qaybo kale, ayaa waxaa maal-gashanaya shirkad ay leeyihiin dhallinyaro Soomaaliyeed.

Ra’isul Wasaaraha, ayaa xusay in dib-u-dhiska Tuulada Cayaaraha ay qayb weyn ka qaadan doonto horumarka dalka iyo bilicda caasimadda, isla markaana ay xoojinayso shaqo abuurka dhallinyarada, dhaqaalaha iyo dalxiiska, isaga oo uga mahadceliyey Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha dadaalkeeda la xiriira horumarinta isboortiga dalka.

Ugu dambeyn, Tartankii Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee sanadkan ka dhacay garoonka, ayaa muujiyay xiisaha bulshada u qabaan isboortiga, taas oo dowladda ku dhiirigelisay in la dhammeystiro qeybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay garoonka, si loo soo celiyo qeybihii kale ee ka maqnaa tartanka, tani oo fursad siinaysa dhallinyarada leh xirfadaha kala duwan ee cayaaraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here