Duqa Muqdisho ooka Qayb-galay Madal lagu soo Bandhigayay Mashruuca Dhismaha cusub ee Marina Beach: SAWIRRO

0
209

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qayb-galay madal lagu soo bandhigayay mashruuc ballaaran oo la xariira dhismaha casriga ah ee laga fulin doono xeebta Luulka (Ex Mariina Beach) ee degmada Kaaraan,

Shirkan waxaa ka qayb-galay xildhibaan Maxmed Axmed Beereey, Guddoomiyaha Rugta Ganacsatada Soomaaliyeed mudane Maxamud C/kariin Gabeyre, maamullada shirkadaha Marina beach state, Al-Asab Group, Bulsho Development Bank iyo ganacsato ka socotay waddamada caalamka qaarkood.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Mauqdisho Mudane Yuusuf Madaale ayaa tilmaamay in maamulka Gobolka uu dhiirri-galin doono cid kasta oo door ka qaadaneyso maalgashiga iyo horumarinta Caasimadda, isagoo intaa kaddib bogaadiyay xaafadda cusub ee xeebta Luulka (Ex Marina beach state).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here