SAWIRRO: Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hay’ad Caalami ah oo kawada hadlay Barnaamij Horumarineed

0
288

Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda maamulka Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamuud Guure iyo hay’adda NIS FOUNDATION ayaa ka wadahadlay dib-u-dhiska, ballaarinta iyo kor u qaadidda tayada suuqa kaluunka ee degmada Cabdicasiis ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Ciise ayaa boogaadiyay taageerida Midowga Yurub ee dhanka maalgelinta iyo fulinta hey’adda NIS FOUNDATION, asigoo dhinaca kale sheegay in Maamulka Gobalka Banaadir ay ka go’an tahay fulinta iyo fududeynta hawl kasta oo lagu kobcin karo laguna tayeynayo adeegyada kaabayaasha dhaqaalaha Caasimadda dalka ee Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here