Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Isbitaal cusub oo waasac ah oo degmada Garasbaaleey laga hirgeliyo.
Isbitaalkaan waxaa iska kaashanaya maamulka Gobolka Banaadir iyo hayโadda Qatar Charity, waxaana uu noqon doonaa isbitaal dan guud ah oo lacag laโaan ah, iyadoo loogu talagalay in uu ka faaโiideeyo shacabka degmada iyo dadka Barakaca ku ah.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in isbitaalka loo dhameystiri doono dhammaan qalabka caafimaadka, daawooyinka, iyo dhaqaatiirta uu u baahan yahay, si loogu adeego bulshada si buuxda.
Sidoo kale, wuxuu shacabka ugu baaqay inay u diyaar garoobaan ka qaybgalka doorashooyinka bishaan dhaceysa, iyagoo ka qayb qaadanaya sugidda amniga iyo bixinta canshuuraha si ay doorashadu u dhacdo si nabad ah oo hufan.













