Guddoomiye Yuusuf Madaale oo kulan Mira-dhal ah la yeeshay Duqa Magaalada Qaahira: SAWIRRO

0
113

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dalka Masar kulan kula qaatay Duqa Magaalada Qaahira Dr. Ibrahim Saabir, iyagoo ka wadahadlay xoojinta xiriirka soo jireen ee ka dhaxeeya shacabka walaalaha ah ee Masar iyo Soomaaliya.

Sidoo kale l, labada mas’uul ayaa ku dheeraaday ahmiyadda ay leedahay in dib loosoo nooleeyo xiriirka labada magaalo ee Qaahira iyo Muqdisho, iyadoo la iska kaashanaya arrimaha dib-u-dhiska kaabayaasha kala duwan, casriyeynta iyo horumarinta adeegyada bulshada iyo is-dhaafsiga aqoonta.

Dhinaca kale, wafdiga uu hoggaaminaayo Duqa Muqdisho ayaa booqasho ku tagay xarunta wakaaladda biyaha Qaahira oo ah shirkadda bixisa adeegyada biyaha, iyagoo isticmaala tiknoolajiyada casriga ah ee hagta hawlaha adeegyada biyaha ee magaalada Qaahira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here