Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa daahfuray tababar la xariira horumarinta caasimadda iyo u diyaar-garowga doorshooyinka iyo wacyigelinta bulshada, kaasoo loo qabtay qeybaha kala gedisan ee bulshada degmada Boondheere.
Guddoomiye Yabooh ayaa sheegay in tababarkaan uu bulshada degmada Boondheere u horseedayo sidii ay u xallin lahaayeen arrimaha khilaafaadka dhexdooda ah iyo sidii ay ugu diyaar garoobi lahaayeen doorasho qof iyo cod ah, si codkooda ay ugu doortaan qofkii ay u arkaan in masiirkooda ay ku aamini karaan.
Ugu dambeyn, Furintaanka tababarkan waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha degmada Boondheere mudane C/llaahi Xasan Sh. Cabdi (Jahweyn), agaasimaha xafiiska Duqa Muqdisho, agaasimaha warbaahinta gobolka Banaadir, guddoomiyaha dhallinyarada gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.

























