Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kaddib safar shaqo oo uu ugu maqnaa dalka Masar, iyada oo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ay kusoo dhaweeyeen wasiirro, xildhibaanno ka tirsan labada Aqal, guddoomiyeyaal degmo, agaasimeyaal, saraakiil ka tirsan laamaha amniga, madaxda haweenka, dhallinyarada iyo mas’uuliyiin kale.
Duqa Muqdisho ayaa inta uu ku maqnaa dalka Masar waxa uu ka qayb-galay shirkii 12-aad ee Madasha Magaalooyinka Dunida, asiga ooo kulamo la qaatay dhiggiisa magaalada Qaahira Dr. Ibrahim Saabir iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Masar, kaasoo lagaga hadlay qorshayaasha hortabinta u leh maamulka gobolka Banaadir ee lagu horumarinaayo caasimadda dalka ee Muqdisho.




















































