DUQA CAAASIMADDA: Amniga ka jira Muqdisho wuxuu ku yimid Iskaashi dhexmaray shacabka iyo laamaha amniga: VIDEO

0
283

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdiaho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa khudab dheer ka heediyay munaasabad loogu mahad-cinayay shahaadooyinna lagu guddoonsiiyay guddigii taabbo geliyay munaasabadaha toddobaadka xorriyadda taasoo caawa lagu qabtay degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa; Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, wasiirro xukuumadda ka tirsan, guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo deegaannada Gobolka Banaadir iyo marti-sharaf kala duwan.

“Amniga Muqdisho inuu hagaago waxaa si wadajir ah isaga kaashaday shacabka ku nool caasimada iyo laamaha ammaanka, waana ku mahadsan yihiin,” ayuu yiri guddooniye Madaale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here