Waxa aan maanta soo gabagabeynay kulamadii Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud iyo Hey’adaha dhaqaalaha Adduunka oo maanta ay ugu danbaysay kulanka Bankinga Horumarinta Afrika.
Team ka AfDB, Wasaaradda Maaliyadda iyo madaxweynaha waxa ay ka wadahadleen sii wadidda howlaha dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo taagerada Bankiga ee Soomaaliya.
Madaxweyne Xassan Shiikh ayaa ballan qaaday in Dowladdiisu ay xoogga saari doonto dhameystirka howlaha deyn-cafinta.














