Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdicasiis Cusmaan Maxamed ayaa Magaalada Kampala ee dalka Uganda uga qeyb galay Shirka iskaashiga iyo aragti wadaagga Dowladdaha Hoose ee wadamada Bariga Afrika (East Africa Community).
Dowladdaha Hoose ee dalalka Bariga Afrika ayaa ka hadlay sidii loo xoojin lahaa xiiirka ka dhaxeeya, isla markaana la isku xiri lahaa Dowladdaha Hoose, iyagoona is dhaafsaday qorsheyaasha horumarineed ee ku aaddan daadanijta maamulka iyo adeegyada bulshada.
Dhanka kale, inta uu shirka socday waxa uu Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir kulamo duceedyo la qaatay qaar ka mid ah madaxdii shirka kasoo qeyb gashay, gaar ahaan Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dowladdaha Hoose ee Uganda, Hon. Raphael Magyezi iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Dowladdaha Hoose ee dalka Tanzania Festo John Dugange.