Golaha Wasiirrada Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay kulan deg-deg ah, ayaa ansixiyay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.
Gudiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka iyo Soohdimaha, waa guddi Qaran oo dastuuri ah wuxuuna mas’uul ka yahay maamulidda doorashooyinka heerarka kala duwan ee dalka iyo in ay hirgaliyaan doorashooyin qof iyo cod ah oo hufan.
Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa waxa uu sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’antahay in shacabka loo soo celiyo xaqa ay u leeyihiin inay doortaan cidda hoggaamineysa.
Ugu dambeyn, Xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha waxa ay kala yihiin:
- Cabdikariim Axmed Xassan.
- Saadiq Abshir Garaad.
- Avv. Maxamed Cabdiraxmaan Aadan.
- Yusuf Cabdiqaadir Maxamed-Baafo.
- Cumar Abuukar Cumar.
- Farxiyo Maxamed Yusuf
- Dr. Cumar Jamac Maxamed.
- Faarax Cabdi Xasan.
- Sahro Diiriye Muuse.
- Cabdullahi Salaad Yaroow.
- Maxamed Amiin Xasan Cabdullahi
- Cabdi Cadow Maxamed.
- Cabdishakuur Abiib Haayir.
- Khaalid Ibrahim Ismaaciil.
- Aamina Sh. Cusmaan Maxamed.
- Naasir Maxamed Shire.
- Cabdiraxiim Cabdillahi Shaafici.
- Maxamed Cumar Ismaciil.