Agaasimaha Caafimaadka Maamulka Gobolka Banaadir, Dr. Cabdiraxmaan Axmed Maxamuud ayaa maanta daahfuray ololaha tallaalka ciribtirka cudurka dabeysha ee caruurta ka yar da’da shanta sano. Ololahan ayaan socon doono 27-31 May 2023.
Agaasimaha ayaa ka hadlay ahmiyada uu leeyahay tallaalka, waxa uuna sheegay in ujeedkiisa uu yahay Ololahan in sare loo qaado bixinta adeega caafimaadka ee Gobalka Banaadir.
“Maanta waxaan daahfurmay tallaalka cudurka dabeysha ee carruurta naafeeya. Cudurkan dunida oo dhan way iska soo curibtirtay, innagana waxaan doonaynaa in sidaas oo lae aan isaga ciribtirno” ayuu yiri Agaasimaha Caafimaadka Gobolka Banaadir oo si kooban ula hadlay warbaahinta.
Dhanka kale, Inta uu socdo wajiga 1-aad ee ololaha tallaalkan waxaa la gaarsiin doonaa illaa tiro dhan 2,500,000 oo caruur ah, kuwaas oo ku nool deegannada ilaa 11-gobol oo dalka gudahiisa kala duwan ah.
Ugu dambeyn, Warbixin lasoo saaray ayaa lagu sheegay in Illaa hadda uu 31 carruur ah ay u naafoobeen fayraska dabaysha. taasoo macnaheedu yahay in ugu yaraan 31 qoys oo bulshadeenna ka mid ah ay la dhibaatoonayaan la tacaalidda masiibada carruurtooda ku habsatay.















