Guddoomiye Madaale oo Bulshada Muqdiaho kula Hadlay Dibad-bax lagu Taageeray inay Dalka ka dhacdo Doorasho Qof iyo Cod ah: SAWIRRO

0
21

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qayb-galay isku soo bax balaaran oo bulshada caasimadda Muqdisho ay ku taageerayeen go’aankii labada aqal ee baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ay ku meel mariyeen xeerarkii doorashooyinka, xisbiyadda iyo guddiga doorashada iyo soohdimaha dalka.

Sidoo kale, kumannaanka shacab ee isugu soo baxay taalada Daljirka Dahsoon ayaa waxa ay cod dheer ku taageereen go’aanka madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya iyo xukuumadda Dan-Qaran ee ah in dalka uu aaday doorasho qof iyo cod, si muwaadinka uu u helo xuquuqdiisa dastuuriga ah ee uu ku dooran karo madaxda dalka.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa shacabka ugu baaqay isku duubni iyo in lagu kalsoonaado doorasho qof iyo cod si muwaadin kasta oo codkiisa u dhiibto, iyadoona isku soo baxa ay goobjoog ka ahaayeen guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, madaxda ururrada dhallinyarada, haweenka iyo qaybaha kala gedisan ee bulshada caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here