Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Kulan la Qaatay Agaasimayaasha Guud ee Agaasime Waaxeedyada Gobolka Banaadir: SAWIRRO + VIDEO

0
57

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho، mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa kulan la qaatay Agaasimeyaasha Guud iyo Agaasime Waaxeedyada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Kulanka oo ay goob-joog ka ahaayeen Guddoomiye Kuxigeenada Maamulka Gobolka Banaadir ayaa loogu hadlay dar-dargelinta shaqooyinka hor-tabinta u leh Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar sida; Wax ka qabashada Bilicda Caasimadda, Dib-u-dhiska, Tayeynta Adeegyada Bulshada iyo ka dhabeynta qorshaha Horumarinta Caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here