Wasaaradda Waxbarashada Somalia oo Daahfurtay Hannaanka Xulashada 3000 oo Macallin: SAWIRRO + MUUQAAL

0
580

Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya ayaa maanta daahfurtay hannaanka lagu soo xulayo 3000 oo macallimiin ah oo ay wasaaraddu qaadaneyso inay shaqo geliso.

Munaasabad ka dhacday magaalada Muqdishu, oo ay kasoo qaybgaleen wasiirro, xildhibaanno, Maamulka Gobolka Banaadir, wasiirrada waxbarashada ee maamul goboleeeyada iyo bahda waxbarashada ayaa aad loogu amaanay sida ay wasaaradda uga go’an tahay in ay caddaalad helaan macallimiinta soo dalbanayo shaqadan.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdukqaadir ayaa ku dhawaaqay in ay furan tahay dalbashada shaqada macallinnimada isagoo ballan-qaaday in ay si daahfuran loogu tartartami helitaanka fursadaha macalinimada.

“Macallinnimada looma qaybin doono habka 4.5-ka ah ee siyaasadda lagu qaybsado,” ayuu yiri wasiir Faarax oo intaas ku daray in ahmiyad gaar ah uu leeyahay macallinka, dadka dunida ku nool sida wax loo baray ay u kala aqoon iyo waxqabad badan yihiin.

mMas’uuliyiin kala duwan oo goobta ka hadlay ayaa qiray in macallinka uu ahmiyad gaar ah leeyahay, iyagoo bogaadiyay in macallimiinta ubadkeenna wax baray ay tahay in aqoon lagu soo xulo.

“Haddaba si loo helo macallimiin leh aqoon iyo khibrad ku filan oo ay wax ku baraan ubadka Soomaaliyeed, wasaaraddu waxay ballan-qaadaysaa in shaqaaleysiinta macallimiinta loo mari doono hannaan daahfuran, kana fog eex iyo qof jeclaysi,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay wasaaradda.

Ugu dambeyn, wasaaradda ayaa qoraalkeeda ku tiri: “Wasaaraddu waxa ay ugu baaqaysaa dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee daneynaya shaqada macallinnimada buuxiyayna shuruudda inay soo codsadaan shaqadaas.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here