Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caaasimadda, Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan ralo-wadaag ah la qaatay qaar ka mid ah dhallinyarada, aqoon-yahannada, bahda caafimaadka iyo xirfadlayaal kale, si uu ugu dhageysto talooyinkooda iyo aragtidooda ku aaddan horumarinta Caasimadda.
Kulanka ayaa lagu soo bandhigay talooyinka iyo aragtiyo la xariira maamul wanaagga, amniga, nadaafadda, caafimaadka, waxbarashada, dib u eegista adeegyada ay bixiso Dowladda Hoose ee Xamar, dib u furista waddooyinaka dhagxaanta ku go’an, ilaalinta dhulalka danta guud, xal u helidda maareynta biyaha, shismaha waddooyinka, hirgelinta nidaamka doorashooyinka iyo xoojinta la dagaallanka musuqmaasuqa.
Duqa Muqdisho ayaa hoosta ka xariiqay in hirgelinta siyaasaddiisa uu ku biirin doono talooyinka ay caawa soo gudbiyeen dhallinyarada iyo aqoonyahanada, si uu u fuliyo qorshe si wadajir ah ugu yimid bulshada Caasimadda, wuxuuna codsaday in lagala shaqeeyo laguna garab-istaago sidii magaalada Muqdisho uu ula tartan-siin lahaa magaalooyinka kale ee dunida.