Guddoomiye Amiir oo Guddoomiyay Shir looga Hadlayay Dardar-gelinta Amniga Caasimadda iyo Xoojinta Wada-shaqeynta Maamullada Degmooyinka: SAWIRRO

0
362

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa guddoomiyay shir looga hadlayay dardargelinta amniga caasimadda iyo xoojinta wada-shaqeynta maamullada degmooyinka iyo hay’addaha ammaanka.

Duqa Muqdisho ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha hay’addaha amniga, isagoo boogaadiyay guulaha laga gaaray amniga oo ay ku naaloonayaan bulshada gobolka Banaadir, waxa uuna faray laamaha amniga iyo maamulada degmooyinka in la xoojiyo wada-shaqeynta guud si looga hortago wax weliba oo ka hor imaan kara amniga caasimadda.

Sidoo kale, shirka ayaa looga hadlay sare u qaadida nadaafadda iyo bilicda caasimadda, dardar-gelinta dakhli arurinta, u diyaar-garowga xilli roobaadka, waxa uuna kula dardaarmay saraakiisha iyo maamulada degmooyinka inay si hufan oo ay ku jirto daacadnimo iyo Alle kacabsi u gutaan waajibaadka loo igmaday, isla markaana la iskula xisaabtami doono mas’uuliyadda shacabka loogu adeegayo.

Ugu dambeyn, Shirkan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), taliyaha ciidanka illaalinta deegaanka Xamar, taliyeyaasha qaybta guud ee booliska iyo nabad-sugidda gobolka Banaadir, taliyeyaasha ciidamada booliisiyo millataare, guddoomiyaasha degmooyinka, taliyeyaasha qaybaha iyo kuwa saldhigyada booliiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here