Kulan loogu Madaxweyne Xasan loogu Mahadcelinayay laguna soo dhaweynayay Duqa Muqdisho oo lagu qabtay Muqdisho: SAWIRRO

0
45

Munaasabad loogu mahad-celinaayay madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana lagu soo dhaweynayay magacaabista guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa kaga mahadceliyay qaybaha kala gedisan ee bulshada gobolka Banaadir soo dhaweynta ballaaran oo ay u sameeyeen, isaga oo ballan-qaaday inuu ka shaqeyn doonno horumarinta magaalada Muqdisho, wax ka qabashada cabashooyinka bulshada iyo sidii bulshada gobolka Banaadir ay codkooda ugu soo dooran lahaayeen dadka hoggaanka u qabanaya.

Munaasabadda waxaa goob-joog ka ahaa wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha XFS mudane xildhibaan Cali Xoosh, ra’iisul wasaarihii hore ee dowladii KMG, Prof. Cali Maxamed Geedi, wasiir ku-xigeenno, xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee BFS, guddoomiyeyaasha degmooyinka, agaasimeyaal, duubabka dhaqanka, siyaasiyiin, ganacsato, culuma’uddiin, haween, dhallinyaro iyo qaybaha bulshada gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here