Maleeshiyo ka tirsan Kooxda Alshabaab ayaa xalay saqdii dhexe miinooyin ku xiray labo Ceelbiyood oo ku yaala deegaanka Bacadweyne iyo tuulooyin hoos yimaada sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.
“Saqdiii dhexe ayaan ku soo baraarugay qaraxyo ilaa labo xabo ah oo ay al-shabaab ku burbirinayeen Ceelbiyoodyo ku yaala degeaan, saakana ma jirto meel biyaha ay ka cabaan dadka deegaanka” sidaas waxaa yiri qof kamid ah dadka deegaanka.
Ceel Biyoodka la qarxiyey ayaa muhiim u ahaa dadka deegaanadaasi, maadaama ay u badan yihiin dad xoolo dhaqato ah.
Xaaladda ayaa saaka degan, balse dadka deegaanka ayaa waxaa soo wajahday xaalad adag oo Biyo la’aaneed, maadaama Ceel Biyoodkii ay isticmaali jireen la qarxiyey.