Madaxweynaha Galmudug Oo Xariga ka jaray Dugsiga Sare ee deegaanka Huurshe ee gobolka Galgaduud+Sawiro

0
648

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa xariga ka jaray Dugsiga Sare ee deegaanka Huurshe ee gobolka Galgaduu, kadib munaasabad kooban oo lagu qabtay dugsigaasi.

Wasiirka Waxbarashada Dowladda Galmudug, Maxamed Xaashi Dhoore, ayaa kaga mahadceliyay madaxweynaha xarig ka jarka dugsigan, waxuuna sheegay inay qeyb ka tahay dadaalada wasaaraddu ku bixinayso waxbarashada.

Madaxweynaha ayaa dhankiisa fuliyay codsigii ay wasaaraddu usoo jeedisay maalmo kahor, ee ahaa in uu xariga ka jaro iskuulada kale ee ay wasaaraddu ka dhistay deegaanada Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here