Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa soo gaaray Muqdisho iyadoo munaasabad kooban oo lagu qabtay garoonka diyaaradaha oo uu kusoo dhaweeyeen wasiirka arrimaha dibadda iyo Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha Jabuuti ayaa kasoo horreeyay Abiy Axmed, iyagoo ka qaybgeli doona shir gaar ah oo looga badlayo dagaalla ay Dowladda Federaalka Soomaaliya kula jirto Khawaarihta.
Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa isna la filayaa inuu dhawaan soo gaaro Muqdisho, waxaana maanta si aad ah loo adkeeyay amniga guud ee caasimadda.
Magaalada Muqdisho waxaa horay ugu sugnaa wasiirrada difaaca iyo taliyeyaasha dalalka deriska la ah Soomaaliya, kuwaasoo sii diyaariyay ajendayaasha looga hadlayo shir madaxeedka maanta iyo berri u socon doona madaxweynayaasha dalalka safka hore.















