Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa guddoomiyay shirka degmooyinka gobolka Banaadir oo lagu soo bandhigay qabyo-qoraalka xeerka nadaafadda guud iyo maareynta qashinka gobolka Banaadir.
Agaasimaha guud ee arrimaha bulshada gobolka Banaadir, ahna guddoomiyaha guddiga diyaarinta xeerka nadaafadda guud iyo maareynta qashinka, mudane Cabdullaahi Aadan Muuse ayaa shirka kusoo bandhigay heerarka la-tashiyada bulsho oo uu soo maray xeerkan, dhibaatada uu qashinka ku haayo deegaanka, caafimaadka bulshada iyo bilicda magaalada Muqdisho.
Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta maamulka gobolka Banaadir, mudane Cabdicasiis Cusmaan Maxamed ayaa sheegay in xeerkan uu hage u noqon doonno wax ka qabashada dhibaatooyinka qashinka, isaga oo ka codsaday guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir in lasoo dadajiyo aqrinta xeerkan si wax loogu daro ama loogu baddelo ka hor ansixinta.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa faray guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir wax ka qabashada bilicda caasimadda iyo dadka ku xad-gudba nadaafadda, wuxuuna dhinaca kale kula dardaarmay in bisha barakeysan ee Ramadaan awgeed loo turo bulshada isla markaana la gargaaro dadka danta yar.

























