Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qayb-galay kulan looga hadlay amniga Caasimadda, kaasoo ay isugu yimid hay’adaha amniga heer federaal, waxa uuna ka qabsoomay xarunta taliska booliska Soomaaliyeed.
Kulankan ayaa waxaa shir gudoominayay wasiirka wasaaradda amniga, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), waxaana ka qayb-galay taliyaha ciiidanka booliska Soomaaliyeed, Sarreeye guuto. Sulub Axmed Firin iyo agaasimaha hay’adda nabad-suggidda iyo sirdoonka Qaranka, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe).
Kulanka ayaa intuu socday waxaa looga hadlay xaaladda amniga ee Caasimadda iyo sidii loo sii xoojin lahaa, iyada oo ay hadalka isaga dambeeyeen madaxdii kulanka kasoo qayb-gashay.
Ugu dambeyn, Kulankaan ayaa imaanaya xilli habeen hore ay kooxda Khawaarijta ah ee Alshabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen shacab ku fiidaanayay xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho, iyada oo ay xukuumaddu qaadday tallaabooyin lagula xisaabtamayo ciidamadii amniga goobta la weeraray ka mas’uulka ahaa.















