SAWIRRO: Bannaanbax looga horjeedo damaca Itoobiya iyo Heshiis beenaadkii Muuse Biixi oo ka dhacay Muqdisho

0
441

Dibadbax ballaaran oo uu soo agaasimay maamulka gobolka Banaadir looga soo horjeeeday damaca dowladda Itoobiya iyo heshiis beenaadka ay la gashay Muuse Biixi, ayaa ka dhacay maanta magaalada Muqdisho, waxaana ka qayb-galeen guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir, xoghayaha guud wasiirro, xildhibaanno iyo iyo kuammaan shacab ah oo ka kala yimid dhamaan degmooyinka iyo deegaannada Caasimadda.

Dibadbaxayaasha ayaa socod ku maray qaybo ka tirsan waddooyinka caasimadda, iyaga oo isugu yimid garoonka kubadda cagta Inh. Yariisow Stadium, halkaasi oo ay kula hadleen; mas’uuliyiintii dibadbaxa ka qayb-galay iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo hadal qiimo badan ka jeediyay dibadbaxa ayaa sheegay in aan la aqbalayn damaca gurracan ee Itoobiya ay kula heshiisay shaqsiyaad Soomaaliyeed, waxa uuna weerar afka ah ku qaafay fikirka Muuse Biixi oo uu sheegay in waqtigiisa uu dhammaaday, aysanna ahayn suuro-gal in Itoobiya uu kula heshiiyo badda Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Madaxda ayaa shacabka ugu mahad-celiyay dareenka wadaninimo iyo sida ay shucuurtooda u cabireen iyaga oo sheegay in aan marnaba la aqbali karin xad-gudub lagu sameeyo dhulka Somalia, ugu baaqay Dowladda Itoobiya in ay ka fiirsato talaabooyinka qaldan oo ay qaadayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here