Soomaaliya iyo Indonesia oo gaaray heshiisyo ay ka mid yihiin helista Fiisaha Labada Dal: SAWIRRO

0
318

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Abshir Cumar Huruuse ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa danjiraha Jamhuuriyadda Indonesia u jooga Somalia Danjire Dr. Mohamad Hery Saripudin oo ay kawada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada; ganacsiga, arrimaha waxbarashada, diblumaasiyadda iyo amniga.

Kulanka dhexmaray Wasiir Huruuse iyo Danjiraha waxaa goob-joog ka ahaa xubno ka tirsan wasaaradda oo uu ugu horreeyo Xoghayaha Joogtada ah ee Waaaradda iyo dublamaasiyiin ka socda safaaradda dalka Indonesia ay ku leedahay Soomaaliya.

“Waxa aan isla garanay muhiimadda ay leedahay abuurista fursado ganacsi oo dhex-mara ganacastada labada dal, sidoo kale fududaynta dal-ku-galka (Visa) labada dal iyo inaan iska taageerno golayaasha caalamiga ah. Maadaama dalkeennu uu dadaal ugu jiro ka mid noqoshada xubnaha aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka iyo qaadista cunaqabataynta hubka ee waqtiga dheer ina saaran,” ayuu yiri Wasiir Huruuse.

Dhanka kale, Danjiraha dalka Indonesia, Dr. Mohamad Hery oo isna si kooban ula hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay heshiish la gaareen wasaaradda arrinaha dibadda Somalia.

Ugu dambeyn, Dalalka Soomaaliya iyo Indonesia ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir ganacsi, mid siyaasadewd iyo mid waxbarasgo, waxaana heshiiskan uu fududenayaa xoojinta xiriirradaas muddada fog ka dhexeeyay labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here