Sacuudiga oo loo Doortay Martigelinta Koobka Kooxaha Horyaallada Qaaradaha

0
360
Image of two hands lifting a soccer ball with flag background of Saudi Arabia

Dalka Sucuudiga ayaa loo doortay inuu marti-geliyo Koobka Kooxaha Adduunka ee bisha December ee sannadkan 2023, sida ay FIFA ayaa ku dhawaaqday Talaadadii shalay.

Golaha FIFA ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay xiriirka kubadda cagta Sacuudi Carabiya inuu martigeliyo koobkan, oo ay kasoo qeybgalayaan lixda horyaal ee qaaradaha iyo kooxda ku guuleysata horyaalka Sacuudiga.

Tartanka ayaa dhici doona inta u dhaxaysa 12-22 December 2023.

Horraantii bishaan, Sacuudi Carabiya waxaa u doortay xiriirka kubbadda cagta Aasiya inuu martigeliyo Koobka dalalka Aasiya ee 2027.

Sacuudiga ayaa hore u martigeliyay munaasabado isboorti oo ay ku jiraan Super Cup-ka Spain ee sanadkan, horyaalka feerka adduunka ee u dhaxeeya Oleksandr Usyk iyo Anthony Joshua iyo tartanka gawaarida ee Riyaad Grand Prix.

Kulanka golaha FIFA ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyay isbedel lagu sameeyay qaab dhismeedka koobka kooxaha aduunka, iyadoo la ansixiyay in laga dhigo 32 kooxood laga bilaabo 2025.

Xigasho: Reuters

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here