Qodobbada looga doodi doono shirka sare ee Soomaaliya iyo Dalalka Safka hore oo la Shaaciyay

0
309

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdishu ku marti-gelinaysa shirka Soomaliya iyo dalalka safka hore (Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya) oo soconaya inta u dhaxeysa 31-ka Janaayo iyo 1-da Febraayo.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qeybgalaya Madaxweynaha dowladda Kenya William Ruto, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ugu dambaysay in ay marti-geliso shirar-madaxeedka heer gobol sannadkii 2016-kii oo Muqdisho ay isugu yimaadeen madaxweyneyaasha dalalka IGAD.

Shirka Soomaaliya iyo dalalka deriska ah ee loo yaqaan safka hore, ayaa waxa qodobbada lagu lafa-guri doono ay kala yihiin:

  1. Taageerada gulufka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku xoreeyeen deegaanno badan oo argagixisadu muddo ay gacanta ku haysay.
  2. In la sameeyo hawlgallo ka dhan ah Alshabaab oo ay si wada jir ah u fulinayaan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya iyo Ciidamada Dalalka Safka hore.
  3. Baaq mideysan oo ku wajahan Caalamka, kaas oo lagu dalbanayo in la xoojiyo taageerada iyo qalabeynta Ciidamada Soomaaliyeed, si ay degdeg ugu soo afjaraan dagaalka argagixisadda.
  4. Muujinta khatarta argagixisadu ay ku hayaan xasilloonida gobolka iyo caqabadda ay ku yihiin horumarka shucuubta qaaradda.

Ugu dambeyn, shirkan ayaa waxaa lagu wadaa inay kasoo baxaan qodobbo dhan ka ah kooxaha argagaxisada ah ee caadeystay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here