Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay danjiraha Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Bin Axmed Almuwallad oo ugu yimid Duqa Muqdisho in uu ugu Hambalyeeyo Magacaabida uu markale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud u Magacaabay Hogaanka Gobolka Banaadir iyo Caasimadda Muqdisho.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Danjire Maxamed Bin Axmed ugu Mahadceliyay sida walaaltanimada leh oo ay Dowladda Sacuudiya u taageerto dalka Soomaaliya iyo sida ay ugu goโan tahay Soomaaliya in ay sii xoojiso xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab, taasi oo ku qotonta iskaashiga iyo wax wada qabsiga labada dal.
Danjire Muwallad ayaa xaqiijiyay in Dowladda Sacuudiga ay kala shaqeyn doonto Duqa Magaalada Muqdisho dhinacyada horumarka, dib-u-dhiska iyo Maalgeshiga Caasimadda si dhaqaalaha u kobco isla markaana shacabka Muqdisho ay u helaan fursado shaqo.
Ugu danbeyn Danjire Maxamed Bin Axmed ayaa u rajeeyay Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) in uu eebe ku guuleeyo howlaha hor yaala.














