Tababar lagu baranayo habka ugu habboon ee looga hortegi karo halista xagjirnimada oo ka furmay dalka Kenya: DHAGEYSO

0
298

Shir heer sare ah oo ay ka qayb-galayaan suxufiyiin ka aocda warbaahinta, kuna saabaan habka looga hortaggi karo xagjir-nimada Bariga iyo Geeska Afrika oo mudo saddex maalmood soconaya ayaa maanta ka furmay magaalada Yankuyi ee dalka Kenya.

Wariyaal ka kala socda sagaal waddan oo Afrikaan ah ayaa ka qaybgalaya tababarka, kuwaas oo muddo warbahinta kusoo jiray waxa ayna kala yihiin; Soomaaliya, South Sudan, Kenya , Ethopia, Tanzania, Rwanda, Uganda iyo Jabuuti.

Shirkan waxaa soo agaasintay xarunta sare ee ka-hortagga iyo la-dagaalanka xag-jirnimada IGAD Center of Excellence in Preventing and Countering Violent Extremism.

Ugu dambeyn, Gaasira Cali Cumar oo ah suxufiyad ka hawl-gasha TV-ga Qaranka Jabuuti, kana mid ah suxufiyiinta tababarkan ka qayb-galaya ayaa idaacadda Codka Caasimada la hadashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here