Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha waddo laami ah oo isku xira isgosyada Fagax iyo Xaawa Casir ee Degmada Kaaraan oo lagu dhisi doono isku-tashiga dadweynaha Kaaraan iyo barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal dollar.
Munaasabadda dhagax-dhiga dhismaha waddadan waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir, mudane Xasan Maxamed Jimcaale, maamulka degmada, saraakiil iyo qeybaha bulshada.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa tilmaamay in ay sii socon doonan talaabooyinka lagu horumarinayo bilicda iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee Caasimadda, isaga oo ugu baaqay bulshada in ay jeebkooda furaan si loogu guuleysto hirgalinta mashaariic hor leh.








































