Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Khamiis ah kula kulmay Magaalada Jakarta, dhiggiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Indonesia, Mudane Sugiono, isaga oo kala hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo kor-u-qaadidda iskaashiga.
Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Indonesia, ayaa waxaa labada wasiir ay ku heshiiyeen qotodheereynta iskaashiga dhinacyada muhiimka ah, sida ganacsiga, beeraha, arrimaha badda iyo waxbarashada. Booqashadani ayaa lagu tiriyaa in ay tahay tii ugu horraysay ee Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya uu ku tago Indonesia.
Wasiir Cabdisalaan Cabdi ayaa soo dhoweeyay iskaashiga kobcaya ee Soomaaliya kala dhexeeyo Indonesia, isaga oo sheegay in dalkiisu ka go’antahay ballaarinta wax-wadaagga ka guul keenaya ujeeddooyinka wadaagga ah.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Indonesia, Mudane Sugiono, ayaa caddeeyay muhiimadda ay leedahay isbahaysiga dowladaha ku yaalla koonfurta caalamka, isaga oo muujiyay sida ay uga go’an tahay labada dhinac taageeridda nidaam caalami ah oo caddaalad ah oo loo wada dhan yahay, iyada oo la eegayo dhaq-dhaqaaq juquraafiyeedka siyaasadeed ee haatan jira. Waxa uu tilmaamay in saxiixa heshiiska u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Indonesia oo ku saabsan in labada dowladdood ay ka dhaafaan baasaboorka diblomaasiga iyo kan adeegga shuruudaha dal-ku-galka, ay tahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday u saldhigidda xiriirka.
Sugiono waxa kale oo uu tilmaamay ku biiritaanka Soomaaliya ee Urur Goboleedka Dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) in ay tahay fursad lagu ballaarin karo iskaashiga dhaqaale, iyada oo Soomaaliya laga dhigayo xarun istaraatiiji oo wax-soo-saarka Indonesia ee loo dhoofiyo wadamada Afrika ee saxaraha ka hooseeya.
Indonesia waxa ay dib u xaqiijisay in ay taageerro farsamo, iyo tababbaro awood-dhisid tayayn leh ay la garab-taagantahay Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada kalluumaysiga, beeraha, habaynta, warshadaynta iyo gasacaynta hilibka, iyo qaybaha caafimaadka.

Arrimaha Waxbarashada ayaa si mug leh loo fallanqeeyay, waxa ayna Indonesia ku dhiirrigelisay Soomaaliya in ay ka faaidaysato barnaamijyada deeqaha waxbarasho sida KNB, Darmasiswa, iyo TIAS. Indonesia ayaa sidoo kale muujisay rabitaankeeda in ay iska kaashadaan Soomaaliya dhinaca tababbarada diblomaasiyadeed si loo sii kobciyo xiriirka.
Labada dal, oo wadaaga in dadkooda ay yihiin muslimiin, ayaa waxa ay muujiyeen sida ay uga go’antahay dhex-dhexaadnimada iyo nabadda dunida islaamka, iayada oo lala kaashanayo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) iyo madallada kale ee dhinacyada badan leh.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Indonesia ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in Indonesia ay diyaar u tahay in ay noqoto saaxiib la aamini karo oo ay leedahay Soomaaliya, si looga wada shaqeeyo ujeeddooyinka wadaagga.













