Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Agaaasimaha cusub ee Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha G/Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar, Mudane Maxamed Aadan Afrax iyo Agaasimihii hore ee waaxda Md. Xuseen Cabdullaahi Xasan.
Guddoomiye Ciise ayaa agaasimihii hore ee Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha G/Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ugu mahadceliyay howlihii uu kasoo qabtay waaxda, asigoona Agaasimaha cusub kula dardaarmay in uu dardargeliyo horumarinta waaxda shaqada iyo shaqaalaha G/Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.














