Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax-dhigay waddada Taleex ee Degmada Hodan, taas oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay dhibaato dhanka isku socodka ah ku qabeen bulshada caasimadda.
Munaasabada dhagax-dhiga ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Guddoomiyaha Degmada Hodan, Odayaasha Deegaanka iyo Bulshada Qeybahooda kala duwan.
Ugu dambeyn, Dhagax-dhiggan ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhawaan sidan oo kale uu Duqa Muqdisho u dhagax-dhigay waddo loogu magac-daray madaxweynihii hore ee Soomaaliya, AUN Cali Mahdi Maxamed, taasoo laga dhisayo degmada Cabdulcasiis ee Caasimadda.




































