Duqa Muqdisho oo Mudaawan Soomaaliyeed 30 Sano kadib ku wareejiyay furayaasha Gurigiisa

0
398

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho Md. Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar-Filish) ayaa Maanta Muwaadin Soomaaliyeed oo Hoygiisa laga heystey Mudo 30 sano ah ku wareejiyey.

Munaasabad kooban oo ka dhacday dhismaha Guriga oo ku yaala degmada kaaraan ayaa Guddoomiye Cumar Filish waxa uu ka sheegay in aanu aqbali doonin in guri ku yaala Magaalada Muqdisho xoog iyo xeelad kalelagu heysto inta uu xilka hayo.

Guddoomiyha Gobolka ka hor waxaa goobta ka hadlay Sh Abuukar oo ah Milkiilaha Guriga, waxa uu u mahadceliyey Maamulka Gobolka iyo kan Degmada kadib markii maanta lagu wareejiyey Hoygiisa isagoo ka sheekeeyey marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray Hoga uu maanta la wareegey.

Gudoomiyaha Degmada kaaraan Abshir Maxamed Maxamuud Iyo Guddoomiye ku Xigeenka Arimaha Bulshada Gobolka Banaadir Marwo Basmo Caamir Axmed ayaa labaduba waxay u balanqaadeen shacabka Muqdisho ee cadaalda darada hantidooda uga maqan tahay in Maamulka uu ka shaqeyn doono sidii ay dib ugu heli lahaayeen Hantidooda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here