Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray dhismaha cusub ee xafiisyada waaxda warfaafinta gobolka.

0
136

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Waaxda Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha. Xafiisyadan ayaa ah kuwo casri ah oo isku xiraya maamulka iyo bulshada, islamarkaana kobcin doona kalsooni, wacyi iyo is-faham dhex mara shacabka iyo hoggaankooda.

Munaasabaddan waxaa sidoo kale ka soo qaybgalay xubno ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir, mas’uuliyiin ka socday Dowladda Hoose ee Muqdisho, madax ka socday hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah, shaqaalaha Waaxda Warfaafinta, iyo marti sharaf kale oo ka socday bulshada rayidka ah.

Guddoomiya Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa bogaadiyay shaqada Waaxda Warfaafinta isagoo yiri:

“Warfaafintu waa laf-dhabarta hay’ad kasta, gaar ahaan dunida dhijitaalka ah ee maanta. Haddii booskan uu banaanaado, waxa uu fursad siinayaa kuwa burcadda qalin ah in ay farriintooda meel dheer gaarto.”

Agaasimaha Waaxda, mudane Xuseen Cabdulle Maxamed, oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa codsaday in mushahar iyo xuquuq la siiyo shaqaalaha muddo dheer si mitawacnimo ah u shaqaynayay, si ay xaqooda u helaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Muungaab, ayaa codsigan si degdeg ah u aqbalay, isagoo carabka ku adkeeyay:

“Ma jiri doonto cid shaqaysa oo xuquuq la’aan ah, isla markaana dhinaca kale aysan mushahar been aad qaadan doonin dad aan shaqayn.”

Dr. Muungaab ayaa sidoo kale xusay muhiimadda Warbaahinta madaxabannaan u leedahay dowladda hoose ee Muqdisho oo uu hoosta ka xarriiqay in uu yahay mid wax-ku-ool ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here