Ra’iisul wasaaraha magacaaban Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa caawa booqasho ugu tagay madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo u rajeeyay Ra’iisul wasaaraha in uu Rabbi u fududeeyo masuuliyadda Qaran ee uu dalka iyo dadkaba u haayo. Waxa uuna la wadaagay talooyin ku aaddan sidii dalka hore loogu wadi lahaa.