Gudoomiye amniga iyo siyaasada gobolka oo xariga ka jaray xarunta NIRA ee degmada Hilwaa.

0
9
Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), ayaa ka qeyb galay xafladda xarig-jarka xarunta cusub ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Qaranka (NIRA), taasoo laga hirgaliyay degmada Hilwaa.
Furitaanka xarunta cusub ayaa waxaa iska kaashaday Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hay’adda NIRA, iyada oo ay goobjoog ka ahaayeen masuuliyiin ka socday xarunta NIRA.
Mudane Yabooh, ayaa bogaadiyay horumarka lagu sameeyay habka lagu helayo kaarka aqoonsiga, isagoo tilmaamay in dadka ku nool degmada Hilwaa ay markii hore kaarka u doonan jireen degmooyin kale oo dhaadheer, balse hadda ay si fudud oo degdeg ah uga heli karaan adeeggan.
Sidoo kale waxa uu xusay in nidaamkan cusub uu yahay mid muujinaya horumarka ay ku tallaabsatay hay’adda NIRA ee ku aaddan adeegyada bulshada, isagoo ku ammaanay dadaalka iyo shaqada hay’adda ee lagu xaqiijinaayo adeegyada aqoonsiga qaranka.
Ugu danbeyn, dadka deegaanka ayaa ka mahadceliyay hirgelinta xarunta cusub iyo fududeynta helitaanka kaarka aqoonsiga, iyagoo muujiyay taageerada ay uhayaan Maamulka Gobolka Banaadir, islamarkaana bogaadiyay sida maamulka gobolka uu heeggan ugu yahay daadajinta adeegyada kala duwan ee muhiimka u ah nolol-maalmeedka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here