Agaasimaha Xiriirka Dibadda ee Dowladda Hoose ee Xamar oo Aqalka Dowladda Hoose ku qaabilay ku qaabilay Madaxa Bisha Cas ee Turkiga: SAWIRRO

0
292

Agaasimaha Xiriirka Dibadda iyo Hey’adaha Caalamiga ah ee Dowladda Hoose ee Muqdisho, mudane Maxamed Xasan ayaa Aqalka Dowladda hoose ee Xamar kula kulmay madaxa bisha cas ee Turkiga Soomaaliya u qaabilsan, mudane Şerif ŞİMŞEK.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya dowladda hoose ee Xamar iyo Bisha Cas Turkiga, hawlaha gargaarka ee bisha cas ee ka socda Muqdisho iyo qorshayaasha bisha cas ee sanadka 2026.

Ugu dambeyn, waxaa la isla gartay in la siyaadiyo taageerada danyarta inta lagu guda-jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here