Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa daboolka ka qaaday xuddunta khilaadka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland, waxa uuna ka digay in Puntland ay fashiliso hannaanka dayn cafinta Soomaaliya oo geeddi dheer loosoo galay.
“Dadka Soomaaliyeed ee reer Puntland ee walaalaheen ah, waa dad bisil oo xog-ogaal ah, ma mudnidiin in Puntland ay taariikh madow ku qoranto,” ayuu yiri RW Xamse oo ka hadlay kulan xalay lagu qabtay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.
RW Xamse ayaa maamulka Puntland ka codsaday in la kala saaraan horumarka uu dalka ku tallaabsanayo iyo siyaaasadda, isagoo xusay in hannaanka dayn-cafinta uu qarka u saaran yahay in Puntland darteed uu u fashilmo.
“In la yiraahdo hannaankii dayn cafinta ee Soomaaliya oo muddada dheer la soo wadday wuu fashilmay, waxaana fashilisay Puntland wax la qaadan karo ma ahan,” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
Sidoo kale Mudane Xamse ayaa sheegay in Puntland ay xaq u leedahay in wixii xaq ah ee ay Dowladda Federaalka ku leedahay la siiyo, balse aysan hor-istaagin geeddigii loo soo galay dayn-cafiska Soomaaliya oo dhammaadka sanadkan loo ballansan yahay.
“Caalamka waxaan weydiisannay in lacag dhan 5-bilyan oo doollar Soomaaliya laga cafiyi, in shir yar oo Puntland laga waayay ay u fashilanto waa wax aan la ogolaan karin,” ayuu RW-hu hadalkiida ku daray.
Dhanka kale, Mudane Xamse ayaa ku eedeeyay Maamulka Puntland inay hor-istaageen 400 oo macallin oo DFS ay siin lahayd mushaar si ay wax u baraan ubadka Puntland, isagoo xusay in aysan is qaban karin in shacabka taageero laga raadsho, lana hor-istaago danahooda.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa ka dalbaday shacabka Puntland inay iska diidaan in magacooda lagu fashiliyo hannaanka dayn-cafiska Somalia. Waxa uuna hadalkiisan uu daba socdaa hadal uu Madaxweyne Xasan Sheekh Jimcihii kaga hadlay khilaafka u dhexeeya Dowladda FS iyo Maamulka Puntland.













