Waxaa lasoo gabagabeeyay tartan aqooneedkii bisha barakeysan ee Ramadaan oo sanad walba ay qabato Idaacadda Codka Caasimadda ee maamulka gobolka Banaadir.
Tartan aqooneedkan oo soo billowday horraantii bisha Ramadaan ayaa waxaa lasoo gunaanaday Talaaladii shalay ahayd, waxaana ku tartamay dhammaan 17-ka degmo iyo saddexda deegaan ee uu ka kooban yahay gobolka Banaadir.
Degmada Kaaraan ayaa ku guuleysatay tartanka, iyadoo gashay kaalinta 1-aad, sidoo kale kaalinta 2-aad waxaa gashay degmada Shibbis, kaalinta 3-aad waxaa galay deegaanka Daarusalaam, halka ay kaalinta 4-aad gashay degmada Waaberi.
Agaasimaha Idaacadda Codka Caasimadda ee gobolka Banaadir, Mudane Cabdinaasir Xersi Iidle ayaa u hambalyeeyay degmada Kaaraan oo kaalinta 1-aad gashay iyo degmooyinka kaalimaha kale galay.
“Runtii tartan aqooneedka bisha Ramadaan sanadkan waxa uu ahaa mid degmooyinka ka qaybgalay ay muujiyeen karti iyo aqoon dheeraad ah, waxa ayna ka jawabayeeb inta badan su’aalihii la weydiiyay,” ayuu yiri Mudane C/naasir Iidle.
Sidoo kale, Agaasimuhu waxa uu mahad u celiyay mas’uuliyiinta Mu’asasada Jaabir Bin Xayaan oo soo diyaarisay su’aalaha tartan aqooneedka sanadkan, kuwaasoo isugu jiray Diini iyo Maadi loo soo diyaariyay si cilmiyeysan.
Ugu dambeyn, Degmooyinkii tartanka kaalimaha hore ka galay ayaa la filayaa in maanta la guddoonsiiyo abaalmarinnadii loogu talo-galay ee uu horay ugu ballan-qaaday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).













