Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Kuxigeenka Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mudane George Conway oo booqasho shaqo ku yimid Aqalka Dawladda Hoose ee Muqdisho, waxaana ay ka wada-hadleen xoojinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee dhanka mashaariicda horumarinta iyo bani’aadamnimada ee loogu talogalay Caasimadda.
Dr. Muungaab ayaa ka mahadceliyay dadaalka soo-jireenka ah ee ay hey’adaha hoos taga Qaramada Midoobay ay ka wadaan Soomaaliya, kaas oo kaalin mug leh ka geystay ka-guul-gaarista geeddi-socodka dib-u-soo-kabashada dalka Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaanna Caasimadda Muqdisho.
Duqa Magaaladu waxa uu ballanqaaday in maamul ahaan ay diyaar u ahaan doonaan joogteynta xiriirka iskaashi iyo wada-shaqaynta ay la leeyihiin hey’adaha ka hawlgala Muqdisho, si loo hubiyo in barnaamijyada horumarinta looga faa’ideysto baahida dhabta ah ee ka jirta magaalada.
Dhankiisa, Danjire George Conway, oo hoggaanka Maamulka Gobolka Banaadir ku amaanay soo-dhawaynta furan ee ka tarjumaysa diyaar ahaansha dhanka wada-shaqaynta, ayaa waxa uu hoosta ka xarriiqay in ajandayaasha horumarineed ee hortebinta u leh Maamulka Caasimaddu ay qeyb ka noqon doonaan tiirarka lagu qotominayo qorshayaasha shanta sano ee ay hey’adaha UN-tu u dejinayaan fulinta mashaariicda horumarinta, isaga oo caddeeyay in talada iyo tilmaamayaasha Maamulka Gobolka tixgelin weyn lagu siin doono diyaarinta qorshayaashaas.