Guddoomiye Ku-xigeenka Hawlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Cabdimajid Daahir Aadan, ayaa shir-guddoomiyay kulan isbarasho iyo kala warqaadasho ah oo uu la yeeshay shirkadaha adeegyada muhiimka ah ee isgaarsiinta, korantada, iyo biyaha, kuwaas oo ka howl-gala magaalada Muqdisho.
Inta lagu guda jiray kulanka, Guddoomiye ku-xigeenka ayaa dhagaystay warbixinno iyo aragtiyo ay soo bandhigeen mas’uuliyiinta shirkadahan, kuwaas oo si faahfaahsan u dul-istaagay xaaladda adeegyada ay bixiyaan iyo caqabadaha ka jira fulinta adeegyada bulshada.
Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa xoojinta wada-shaqeynta ka dhaxaysa maamulka gobolka iyo shirkadaha adeegyada, hubinta in adeegyada bulshada si nidaamsan loo gaarsiiyo muwaadiniinta, iyo in la helo xal wax-ku-ool ah oo lagu wajaho caqabadaha jira.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa waxaa goor kasta ka go’an in la abuuro jawi iskaashi iyo hufnaan leh oo u dhexeeya maamulka iyo shirkadaha adeegyada muhiimka ah, si bulshada ku dhaqan caasimadda ay u adeegyo tayo leh si waafaqsan habraacyada iyo hakbeegyada maamaulka.