Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ayaa dib ugu celiyay shirkaddii hore u dhistay Laamiga Soobe inay markale qabato dhismaha wadadan, kaddib markii burbur iyo dillaacyo dhowaan kusoo baxeen qeybaha qaar ee laamiga cusub.
Go’aankan ayaa yimid kaddib kormeer ay mas’uuliyiinta Gobolka ku sameeyeen wadada, iyagoo sheegay in aan la aqbali doonin dhismo aan u hoggaansamin tayadii lagu heshiiyay ama ka hor imaanaya heerarka loogu talagalay wadooyinka caasimadda.
Maamulka ayaa tilmaamay in:
• Shirkaddu ay mas’uul ka tahay hagaajinta khaladaadka dhismaha
• In dib-u-eegis lagu samayn doono tayada qandaraasyada
• In la xaqiijin doono in wadadu noqoto mid u adkaysata isticmaalka culus ee gaadiidka
Dadweynaha ku dhaqan agagaarka Soobe ayaa soo dhaweeyay go’aanka Maamulka Gobolka Banaadir, iyagoo sheegay inuu yahay tilaabo lagu hubinayo in adeegyada dadweynaha loo dhiso si waara oo tayo leh.
Wadada Soobe oo horey uu dhagax dhigay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa waxaa haatan si rasmi ah dib-u-dhis ugu bilaabay shirkadda Docol, taas oo balanqaadday in ay waddada u dhisi doonto si casri ah oo waafaqsan heerarka wadooyinka caalamiga

#Abas Mohamed Nor













