Qarax saaka caawo ka dhacay deegaanka Janaale ee gobolka shabeelaha hoose

0
539

Wararka inaga soo gaaraya deegaanka Janaale ee gobolka shabellaha hoose ayaa sheegaya in qarax miino uu saaka ka dhacay deegaankaasi.

Qaraxa oo ahaa nuuca bambaanada gacanta laga tuuro ayaa lagu beegsaday goob maqaaxi ah oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa dawlada Soomaaliya .

Inta la xaqiijiyay Hal ruux ayaa ku dhintay Qaraxa, waxaana ku dhawacmay dad kale oo rayid ah, kuwaas oo goobta ka ag dhawaa sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogeyaal deegaanka ah.

Ruuxa dhintay ayaa macagiisa lagu Sheegay Axmed Dheere oo ka mid ahaa dadka deegaanka, waxaana ku dhaawacmay  wiil dhalinyaro ah oo magaciisa lagu sheegay Cali Maxamed Axmed Xasan oo ka mid ahaa dhalinyarada deegaanka oo si weyn looga garanaayay deegaanka Janaale.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here