Ergayga gaarka ah ee Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho u qaabilsan arrimaha Abaaraha, Yaasmiin Jaamac Xasan ayaa kulan muhiim ah oo ku saabsan xal u helidda dadka barakacayaasha ah iyo sidii loo horumarin lahaa noloshooda la qaadatay guddoomiyaha hay’adda maareynta iyo musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macalin.
Kulanka labada dhinac ayaa looga hadlay xoojinta wada-shaqeynta hay’adda maareynta iyo musiibooyinka Qaranka iyo sidoo kale xafiiska ergayga gaarka ah ee arrimaha abaaraha u qaabilsan Duqa Muqdisho, dardar-galinta hawlaha samafalka ah ee lagu caawinayo dadka ay abaaruhu ku yeesheen saameynta iyo sida ugu haboon ee dib-u-dajin loogu sameyn karo barakacyaasha.













