Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka biyaha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cabdinuur Cabdi ayaa kulan looga hadlayo hormarinta biyaha dalka waxa uu la qaatay masuuliyiinta hay’adda samafalka Qadar.
Labada dhinaca ayaa kulankooda diiradda ku saaray sidii ay isaga kaashan lahaayeen hirgelinta ceel biyoodyo laga qodo dhulka oonleyda ah ay ka jirto biyo’aanta,iyadoo dhianacyadu ay arintaas ka gaareen heshiiis .
Wasiir Xasan Cabdinuur Cabdi ayaa sheegay in wasaarad ay qaadaneyso doorkeeda oo ah inay dhaqangeliso ayna soo asteeydo goobaha laga fulinayo mashaariicda horumarinta biyaha.
Mas’uuliyiinta Hay’adda Qatar Charity, ayaa aad u bogaadiyay kulanka ay la yeesheen Wasiirka iyo xubnaha kale ee wasaaradda, waxayna ku amaaneen mas’uuliyiinta Wasaaradda sida ay uga go’an tahay wax u qabashada dadka qabo baahiyaha adeega aasaasiga ah ee biyaha.
Waxeey tilmaameen in hay’ad ahaanna ay diyaar u yihiin in ay raacaan qorshaha wasaaradda uga dagsan hirgalinta arrimaha la xiriira qodista ceelal biyoodyo, iyadoo tilmaanta ay Wasaaradda bixiso ay hay’adda ku hawl gali doonto.
Madasha heshiiska ka dhacay waxaa goonjoog ka ahaa wasiiru-dowlada wasaaradda Marwo Shukri Maxamuud Afrax, wasiir ku-xigeenka wasaaradda, Mudane Daahir Cabdi Cabdullahi, agaasimaha guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdiwaaxid Ibraahim Axmed, la taliyaasha dhanka biyaha iyo hawl-wadeenada Wasaaradda.